Somali Lagu gowracay degaanada Itoobiya oo War Naxdin leh laga helay

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya tuulada Guuleed oo u dhaxeysa deeganada Oromada iyo Somalida ee dalka Itoobiya, Shan ruux oo Soomaali ah ayaa lagu gowracay deegaankaasi.

Shanta ruux ee Soomaalida ah ayaa waxaa gowracay dabley hubaysan oo Oromada ka soo jeeda, kadib markii ay ku weerareen goob ay ku sugnaayeen, sida uu xaqiijiyay Nabadoon Maxamed Maxamuud.

Nabadoonkaan, ayaa sheegay wali inuu socdo dagaalka Soomaalida iyo Oromada ka dhex taagan, sidoo kalena labada dhinac ay is ugaarsanayaan oo dad kala duwan ay iska dilayaan.

Xaaladda deegaanka aad bay uga dartay, Shan qof oo Soomaali ah ayeey Oromadu Gowraceen, dagaalka wuu sii socdaa oo Labada dhinacba sidan bay isku dilayaan, xalna ma jiro.” Ayuu yiri Nabadoonka.

Illaa hadda ma jirto cid si toos ah u kala dhex gashay dilalka iyo beegsiga ay isku hayaan Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya degta, waxayna yihiin kuwa wali isku hub aruursanaya.

Odayaasha Soomaalida ah ee deeganadaasi degan ayaa ka digaya xaalada inay intaan ka sii Qatar badnaado, haddii beegsiga iyo dilalka ay sii socdaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.