Afhayeenkii Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Somaliya oo Xilkii laga qaaday

Afhayenkii Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/Casiis Cali Ibraahim C/Casiis Xildhibaan ayaa Xaqiijiyay in uu Xilkii uu hayay iska Casilay,kadib markii arrimo badan uu arkay.

C/Casiis Xildhibaan ayaa tilmaamay in mudo shan maalin ka hor uu Xilka Afhayeenimo iska Casilay,laakin uu san Warbaahinta u soo bandhigin,waxa uuna hoosta ka Xariiqay in Warqada is Casilaada uu gaarsiiyay Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaate Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa jeediyey hadalo uu ku Weeraray Madaxda Dowladda Soomaaliya si gaar ah laamaha amniga,isaga oo ka fal celinayey weerarkii Al-Shabaab Maalintii Sabtidii ay ku qaadeen Xarunta Otta Otte oo ay ku yalan Xarumaha Wasaaradaha amniga iyo Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.