Dhageyso: Yaa kamid ah Saraakiil Cadeymo laga helay Taleefonadooda oo Fududeeyay Weerarkii Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga

Ayadoo maalinimadii shalay la shaaciyay in xabsiga ladhigay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa maamulo baraha kontorool ee laga soo galo wasaaradaha arimaha gudaha iyo federaalka iyo mida amniga.

Amarka lagu xiray saraakiishaas waxa oo kasoo baxay wasiirka amniga qaranka waxaana lagu tuhunsanyahay in wax badan ka ogaayeen weerarka kooxda shababa kusoo qaaday wasaaradahaas madaama si fudud dagaalamayaasha shabaab kusoo gaarayn.

Qaar kamid ah saraakiisha la xiray ayaa talefonadooda la dhageystay lagana ogaaday in xiriir lasameyeen kooxda weerarka soo qaaday hore u ogaayeen weerarka.

Waa markii ugu horeyse sarakiil katirsan ciidamada dowlada ladhageysto talefonadoda lagana helo cadeymo shegaayo in fududeeyeen weerar shabaab soo qaaday oo dhiig badan ku daatay.

Halkan Riix Si’aad u Daawato Muqaalka

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.