DEG DEG :Toogasho Goordhow ka dhacday Magaalada Muqdisho

War degdeg ah oo hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu dilay xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in labada askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada iyo kuwa xasilinta lagu toogtay agagaarka Xarunta premier bank ay ku leedahay Xaafada suuq Bacaad,isla markaana raggii ka dambeeyey dilkaas ay goobta ka baxsadeen.

Qof ka mid ah dadka ku ganacsada Xaafada Suuqa Bacaad ayaa sheegay in dilka kadib raggii dilka fuliyey ay goobta ka baxsadeedn,isla markaana ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo haatan baaritaano ka wada halkii uu dilka ka dhacay.

Maamulka degmada Yaaqshiid ee Gobolakn Banaadir weli wax faah faahin ah kama bixin dilka labada askari ee ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay Xaafad ka mid ah Magalada Muqdisho.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.