DAAWO VIDEO : Ra’iisul Wasaaraha oo Isbitaalada ku Booqday dhaawacyada Weerarkii Shalay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay booqday cisbitaallada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaaday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayay qaraxaas ay kooxda caadeysatay daadinta dhiigga Soomaaliyeed u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in dadka ay soo gaareen dhaawacyada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa.

“Waxaa dhacay qarax ay fuliyeen kooxaha arxanlaawayaasha ah ee dhaqankoodu yahay in shacabka baabi’iyaan. Inta ku dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacana Allaha Bogsiiyo. Waxa aan rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay nagala shaqeeyaan soo afjaridda kuwaan caadeestay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

HALKAN RIIX SI’AAD U DAAWATO

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.