DAAWO : Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Safar Lama filaan ah ku Tagay Magaalada Asmara

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa gaaray magaalo madaxda dalka Eritrea ee Asmara. Booqashadan Ra’isal Wasaaruhu waxay jawaab u tahay kulan ay hore u yeesheen isaga iyo wafti heer sare ah oo ka tagey Eritrea oo ka wada xaajooday sidii loo debcin lahaa xiisadda ka taagan soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal udhexaysa.

HALKAN RIIX OO DAAWO MUQAALKA

Dr Abiy waxa uu la kulmi doonaa madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, waxaanay labada dalba ku tilmaameen booqashadaas iyo shir madaxeedkaas ba kuwo lagu soo af jari doono colaaddii mudada dheer taagnayd.

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’iisal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefdi heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.