Wararkii Ugu Dambeeyay Tirada dhimashada & Dhaawaca Weerarka Wasaarada Arrimaha Guddaha & Amniga

Ugu yaraan 13qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkii lagu qaaday xarunta Otto Otto ee ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Dadka dhintay ayaa iskugu jira, shaqaale dawladeed, dableydii weerarka qaadday, ciidanka amniga ee dawladda iyo dad rayid ah.

Dhaawaca ayaa inta isna la xaqiijiyey kor u dhaafaya 15 qof.

Waxaa jira in Saacadba Saacadda ka dambeysa uu sii kordhaayo Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadda Al-Shabaab ay ku qaadeen Otto Otto.

Waxaa ku jira dadka dhintay kuwo kasoo booday dabaqyada dhismaha.

Guud ahaan weerarkaasi waxaa soo Afjaray Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.