DAAWO : Wariye Caan ah oo indhihiisa ku Arkayeyeyy Shabaabkii Weeraray Wasaradaha Arrimaha Gudaha

Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo goobjoog u ahaa Weerarkii maanta lagu qaaday  Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee  Soomaaliya ayaa warbaahinta uga waramay  wixii uu goobjoog u ahaa.

Wariye C/maalik ayaa sheegay in markii uu Qaraxa koowaad  dhacay uu ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeyn dhismaha Wasaaradda,islamarkaana dad badan oo  rayid ah oo aan  waxba aan galabsan waxyeelo soo gaadhay,isagoona intaas ku daray   in Al-Shabaab u soo u dhigteen laaynta dadka Shacabka ah ee aan hubaysnayn.

HALKAN RIIX SI’AAD U DHAGEYSATO 

Sidoo kale wariye ,C/Maalik Muuse Coldoon oo wariyaasha kula hadlayay halka ay ka dhaceen qaraxyadu ayaa hoosta ka xariiqay iney muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto kooxaha caadeystay iney dadka si sharci daro ah ku laayaan, waa sida uu hadalka u dhigaye

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.