DHAGEYSO :-Shacabka Muqdisho oo ka horyimid Amar Layaab leh oo Ka Soo baxay Maamulka gobolka banaadir

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (eng Yariisow) ayaa waxaa digniin loogu diray dadka Xoolahooda ku soo daaya Gudaha Magaalada iyadoona lagu Amray in Muddo Labo Todobaad ah Gudahooda looga saaro xoolaha Gudaha Magaalada.

HALKAN RIIX SI’AAD U DHAGEYSATO

Wareegtadan oo la ogeysiiyay Hay’adaha Amniga iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolkan Banaadir ayaa waxaa lagu Macneeyay digniinta ka soo baxday Maamulka Gobolka Banaadir in xooluhu ay dhibaato ku yihiin Bilicda mGaalada Muqdisho.

Hadaba shacabka muqdisho ayaa arintaas ku tilmaamay mid aan xiligan haboonayn sida ay hadalka u dhigeen

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




.